Gabar reer Sweden ah oo lagu la’yahay Istanbul

13

Gabadha lagu magacaabo Sofia Hussein oo 17 sano jir ah deggena magaalada Örebro ayaa ilaa afar isbuuc la layahay meel ay jaan iyo cirib dhigtay ka dib markii reerkeeda ay dalxiis ku tageen wadanka Turkiga. Hooyadeed oo lagu magacaabo Warda Ali ayaa ku sugan xaalad murago leh ka dib markii ay dib ugu soo noqotay Sweden iyada oo aysan la socon gabadheeda.

Warda Ali iyo caruurteeda ayaa dalxiis u tagay Turkiga, iyagoo guri ka kiraystay halkaasi. Hooyada ayaa wargeyska Nerikes Allehanda u sheegtay in maalinta gabadheeda ay lumayso oo ahayd Arbaco 26-bishii november ay dalbatay in ay dibada aado kaligeed iyadoo Warda arintaas diiday balse markii dambe u ogolaaday in ay u baxdo wadada ka horeysa gurigooda. Warda ayaa sheegtay in 10 daqiiqo ka dib ay daaqada ka eegtay, iyadoo aysan Sofia ku sugnayn wadada.

Hooyada ayaa sheegtay in ay isku day’day in ay wargaliso booliska Turkiga balse aysan si xushmad leh ula dhaqmin iyadoo aysan warkeeda waxba ka soo qaadin, waxay u sheegeen in ay la xiriirto safaarada Sweden. Warda ayaa sheegtay in qaabka ay ula dhaqmeen booliska Turkiga ay ka dambayso maadaama ay Soomaali tahay. Ka dib baaritaan iyo raadin badan oo Warda ay ka samaysay Istanbul ayay dib ugu soo laabatay Sweden iyadoo aysan la socon gabadheeda.

Sidoo kale waxaa booqasho ku tagay Istanbul gabadha aabaheed iyo walaalkeed, oo iyagana ku soo laabtay Sweden iyaga oo gacmo maran. Halka ay Sofia Hussein jaan iyo cirib dhigtay ayaan ilaa hada la ogeyn.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here