Doorashada cusub oo laga yaabo in layska dhaafo

4

Sida uu soo wariyay telefishinka SVT waxaa wadahadalo qarsoodi ah u socdaan dowlada Stefan Lövfen iyo xulufada Alliansen taasoo looga golleeyahay in lagu baajiyo in wadanka doorasho cusub dib loogu celiyo. Dowlada ayaa u muuqata mid soo dabacday, iyagoo hada wadahal xoog leh oo qarsoodi ah kula jira xulufada mucaaraadka si ay uga dhaadhiciyaan in la ansixiyo miisaaniyada dowlada.

Haddii uu is afgarad dhaco inta ka horeysa 30 bisha december, ayay u badantahay in laga noqon doono qorshaha doorashada cusub, iyadoo raysal wasaare Stefan Löfven uu sii wadan doono shaqadiisa. Wada hadalka u socda dowlada iyo mucaaradka ayaa la sheegay in ay ka qeyb qaadanyaan wasiirka dhaqaalaha Magdalena Andersson iyo qaar ka mid ah xubnaha xulufada Alliansen u qaabilsan arimaha dhaqaalaha.

Haddii ay isku raacaan in aan lagu celin doorasho cusub ayaa SVT sheegtay in labada dhinac ay guul u tahay maadaama ay soo baxday in doorasho cusub aysan wax faa’iido cusub keeneyn, iyadoo aan la filayn in dowlada iyo mucaaradka midnoonka aysan heli doonin aqlabiyad isla markaana taageerada xisbiga cunsuriga ah ee Sverigedemokraterna (SD) laga yaabo in ay kor u sii kacdo.

Haddii aan lagu heshiin wadahadalka socda, ayaa wadanka doorasho cusub ka dhici doontaa bisha maarso 22, 2015.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here