Dhibaatada qurbaha, qamriga iyo dariiq ku noolaashaha

9

Wiilka lagu magacaabo Abdi Mohamed waxaa uu Sweden so galay sanadkii 1983 isagoo 8 sano jir ah, isagoo xiligaas ka dib aan dib ugu noqon wadankii isla markaana aan la kulmin familkiisa. Abdi Mohamed oo warbixin dheer uu ka qoray wargeyska Situation Stockholm ayaa ka waramay dhibaatada ka haysata qurbaha, daroogada iyo jaceylka uu u qabo in uu mar dib ugu laabto dalkiisa oo la kulmo hooyadiis.

“Ma arag hooyaday ilaa xiligii aan ka soo tagay, ma xasuusto siday u egtahay, xitaa ma haayo sawirkeeda” ayuu ku yiri wargeyska´Abdi Mohamed, oo hada ku nool dariiqyada Stockholm isaga oo isticmaala maandooriyaha, qamriga iwm. Waxa uu sheegay in xiligii hore uusan jeclayn in uu ka hadlo isticmaalka maandooriyaha balse hada uu dareemayo in la gaaray xiligii uu xaqiiqada ka hadli lahaa iyo familkiisa.

“Labo sano ka hor waxaan wacay hooyaday, aniga oo u sheegay in waqtiga kale ee aan soo waco aan kulmi doono. Balse dib uma aanan wicin aniga oo ku mashquulsan qamri cabid iyo isticmaalka daroogada. Hada waxaan doonayaa in aan ka baxo, waxaan galayaa caafimaadka oo waqtiga ugu horeeya ee aan ka baxo daroogada waxaan wici doonaa hooyaday oo waxaan u sheegi doonaa in aan jeclahay” ayuu yiri isaga oo hadalkiisa sii wata Abdi Mohamed.

Dhibaatada ku dhacday Abdi Mohamed iyo Soomaalida la mid ah ee ay ku adkaatay nolosha qurbaha ayaa ah mid xanuun badan, iyadoo aad dariiqyada Stockholm iyo magaalooyinka kale ku arkayso dad Soomaali ah oo wadooyinka qamri ku cabaya oo aan haysan cid daryeesha. Dadka Soomaalida oo lagu amaani jiray in ay isdaryeelaan ayaa u muuqda kuwo ka leexday wadadaas markii ay qurbaha yimaadeen.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here