Qaybta Su’aalaha iyo jawaabaha

14

Sida aad la socotaan qeyb weyn oo ka mid ah hawsha bogga Somaliska ayaa ah in laysku waydaarsado su’aalaha quseeya arimaha Soomaalida iyo Sweden oo ay akhristayaashu badanaa isticmaalaan qeybta fikradaha ee mowduucyada ama ay email toos iigu soo diraan.

Balse labadaas waddo ayaa ah kuwo aan ku habooneyn suaalaha. Qaybta fikradaha ee mowduucyada waxaa loogu tala galay in aad fikradaha la xiriira mowduucyada aad ku qortaan. Inkastoo mararka qaar aan ka soo jawaabo su’aalaha emailka laygu soo diro ayaa taasi keentay in uu buux dhaafo emailkayga oo aanan waqti u helin in aan ka jawaabo dhamaan suaalaha akhristayaasha.

Hadaba si aan xal ugu helo labadaas arimood ayaan bogga ku soo daray qeyb u gaar ah Su’aalaha, jawaabaha iyo mowduucyada akhristyaasha. Qaybtaan ayaa ah mid isticmaalkeeda fududyahay oo qoskasta uu su’aashiisa ku qori karo isla markaana ay akhristayaasha kale ugu jawaabi karaan. Aniguna waan ka qeyb qaadan doonaa jawaabaha.

Hadaba waxaan rajaynayaa in hadda ka dib aan isticmaalno qeybta su’aalaha ee aad halkaan ka heli kartaan. SU’AALAHA & JAWAABAHA

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here