Masaajid lagu weeraray qamri iyo kondom

4

Masaajid ku yaala degmada Eslöv ee ka tirsan gobolka Skåne ayaa haboon hore loo geystay weerar foolxumo badan. Saqdii dhexe ayaa daaqaha masaajidka la qarbuday iyadoo gudaha masaajidka lagu soo tuuray dhalooyin qamri ah isla markaana daaqadaha lagu dhajiyay kondomyo la isticmaalay.

“Waxay gudaha ku soo tuureen dhalooyin qamri ah oo ku burburay roogga, waxay kale oo daaqadaha ku dhajiyeen kondomyo. Waa arin aad looga xumaado, weerarada islaam naceybka ah aad ayay u soo badanayaan” ayuu yiri Samir Muric oo imam ka ah masaajidka.

Sababta masaajidka loogu weeraray qamriga iyo kondomka ayaa muujinaysa in ay tahay in laga caraysiiyo muslimiinta. Ma ahan markii ugu horeysay ee weeraro nuucan ah loo geysto masaajida Sweden, iyadoo horay masaajida qaarkood lagu weeraray madax doofaar.

Waxaa xusid mudin in degmada Eslöv ay ka midtahay goobaha ay taageerada weyn ka heleen xisbiga cunsuriga ah ee Sverigedemokraterna (SD) doorashadii sanadkaan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here