Dood ku saabsan caruurta la soo korsaday oo lagu qoray saxaafada Sweden

38

Shalay waxaa wargeyska caanka ah ee SvD lagu qoray dood ku saabsan mideynta caruurta la soo korsaday ee Migrationsverket ay diiday in lala mideeyo waalidkooda. Ka dib markii ay Sweden bilowdy qaaditaanka DNA ayaa waxaa meesha ka baxay caruurta la soo korsaday tasoo keentay in qaar badan looga soo tagay Afrika.

Afar qof oo isugu jira quburo jaamacadeed iyo xildhibaano u dooda xuquuqda soo galootiga ayaa mowduucooda ay ku qoreen bogga SvD waxay ku soo qaateen dhowr tusaale oo ku saabsan caruur Soomaaliyeed oo loo diiday in lala mideeyo waalidkii korsaday, iyagoo dowlada ugu baaqay in ay hirgaliso sharciyada caalamiga ah ee quseeya xuquuqda caruurta isla markaana la siiyo caruurta la soo korsaday xaqooda ku aadan in ay la noolaadaan waalidkii soo korsaday.

Shalay ayaa sidoo kale ku beegnayd 25 guuradii ka soo wareegtay sharciga caalamiga ah ee caruurta kaasoo loo yaqaan (Convention on the Rights of the Child) kaasoo ay dowlada cusub ee Sweden ku dhawaaqday in uu ka mid noqon doono sharciyada wadanka Sweden. Sharcigaas ayaa faraya in caruur kasta ay xaq u leeyihiin in lala mideeyo waalidkooda.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here