Barnaamij xiiso badan oo laga diyaariyay baarayaasha luuqadaha ee Laanta Socdaalka

10

Xalay waxaa telefishinka SVT laga sii daayay qeyb ka mid ah barnaamijka Uppdrag Granskning kaasoo baaritaan ku sameeyay sida ay u shaqeeyaan baarayaasha luuqadaha ee ay isticmaalaan Laanta Socdaalka Sweden. Barnaamijka ayaa lagu soo bandhigay in mid ka ah dadka baara luuqada Soomaaliga ee ay isticmaasho Migrationsverket uu beenaale yahay kaasoo u shaqeeya shirkad lagu magacaabo Sprakab.

Laanta Socdaalka ayaa isticmaasha baarayaasha luuqada si ay u xaqiijiyaan halka uu ka yimid qofka magangalyo doonka ah. Baarayaasha ayaa qofka magangalyo doonka ah ku wareysta telefoonka iyaga oo waydiiya su’aalo la xiriira luuqada iyo deegaanka uu sheegtay, iyagoo ka dib macluumaad u soo dira Laanta Socdaalka ay ku sheegayaan in qofkaan uu ka yimid halka uu sheegtay iyo in kale.

Barnaamijka ayaa lagu soo bandhigay wiil Soomaali ah oo sheegtay in uu ka yimid Afgooye balse dadka luuqada baara ay sheegeen in uu ka yimid Somaliland.

Barnaamijka ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay in mid ka mid ah baarayaasha luuqada Af-soomaaliga oo magaciisa loo sameeyay kood “EA20” si loo qariyo aqoonsigiisa, uu been ka sheegay waxbarashadiisa isla markaana uu dhowr jeer dambi ka galay Sweden. Ninkaan ayaa qortay in uu ka baxay jaamacada Stockholm balse taasi ayaa la ogaaday in ay been abuur tahay. Ninkaan ayaa baaray kiisas gaaraya 5000.

Ninkaan ayaa xitaa labo goor loo diiday baasaboorka Sweden, isagoo galay dambiyo ay ka midyihiin daroogo, hanjabaad iyo deymo badan oo lagu leeyahay.

Mid ka mid ah kiisaska uu baaray ninkaan ayaa ah wiil Soomaali ah oo lagu magacaabo Jamac kaasoo sheegtay in uu ka yimid Kismaayo balse ninkaan qarsoon ayaa sheegay in uu wiilkaan ka yimid Tanzania ama Kenya. Telefishinka ayaa codka wiilkaan waxay u bandhigaay mid ka mid ah quburada afka Soomaaliga ugu caansan aduunka oo wax ka dhiga jaamacada Rome ee talyaaniga, Pro. Abdalla Omar Mansuur. Ka dib markii uu dhagaystay ayuu cadeeyay in uu wiilkaan ka yimid agagaarka Kismaayo, isagoo la yaabay sida uu ninkaan luuqada baara u go’aamiyay Tanzania.

Telefishinka ayaa ugu dambeyntii u suurto gashay in ay ogaadeen qofka uu yahay EA20,iyagoo xitaa booqday gurigiisa balse uma aysan suurto galin in ay la kulmaan ama ay wareysi la yeeshaan. Telefishinka ayaa sidoo kale si qoto dheer u baaray kiiska Mohamed oo ka yimid Afgooye, iyadoo macluumaadka uu soo gudbiyay EA20 iyo kan uu sheegay Mohamed uu farqi u dhexeeyo iyadoo hadalo qalad ah uu soo gudbiyay ninka luuqada baara.

Laanta Socdaalka ayaa lagu dhaliilay in ay isticmaasho dadka luuqadaha baara oo qarsoon, iyagoo inta badan go’aamadooda ku saleeya macluumaadka ay soo gudbiyaan dadkaan. Halkaan ka daawo Barnaamijka.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here