Baafin: Ma aragtay Abdirahman?

22

Abdirahman waa wiil Soomaaliyeed oo da’diisa tahay 14 sano jir oo ku nool magaalada Västerås oo ilaa 2-da bishaan November la waayay meel uu jaan iyo cirib dhigay. Abdirahman ayaa markii cid ugu war dambaysay lagu sheegay agagaarka ayroboorka magaalada Västerås.

Abdirahman ayaa markii la waayay waxa uu xirnaa surweel jaale ah, jaakad iyo kabbo madoow. Muuqaalkiisa ayaa lagu sheegay mid timmo gaaban oo dhirirkiisa uu yahay 165cm, culeyskiisa waa 52kg.

Ururka Missing People ayaa xalay baadigoob ka sameeyay magaalada Västerås balse lama sheegin ilaa hada in la halay iyo in kale.

Haddii aad aragtay  Abdirahman ama aad ogtahay cid garanaysa fadlan la xiriir booliska sida ugu dhaqsiyaha badan. Telefoonka waa 114 14.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here