Sweden iyo daris xumada

19

Shalay ayaa magaalada Karlstad waxaa laga helay meydka haweenay waayeel ah oo labo sano ka hor ku geeriyootay gurigeeda. Haweenaydaan ayaa in ka badan labo sano dhextaalay gurigeeda iyadoo aysan cidna tabin in ay dhimatay. Ka dib markii ay shaqaale booqdeen gurigeeda ayaa la ogaaday in ay mar hore xijaabatay.

Dariska ayaa sheegay in aysan muddo badan arag haweeneydaan balse marnaba ma aysan isku dayin ay booqdaan gurigeeda. Arintaas ayaa ah dhibaato weyn oo ka taagan Sweden iyadoo aysan darisku xiriir wanaagsan lahayn. Daris xumada Swedishka ayaa ah mid sabab u ah fashilka isdhexgalka soo galootiga iyo Swedishka.

In haweeneydaan ay muddo 2 sano ah dhextaalay gurigeeda iyada oo aysan cidna tabin ayaa muujinaysa fashilka bulshada wadankaan iyo muhiimada ay leedahay iska warqabka dariska. Swedish badan ayaa ah kuwo kaligood nool oo aan wax famil ah lahayn, isla markaana ay caruurtoodii ka guureen guriga.

Ma ahan markii ugu horeysay ee qof waayeel ah gurigiisa laga helo isaga oo meyd ah, iyadoo dhacdo midaan la mid ah ay sanadkii hore ka dhacday magaalada Stockholm oo laga helay nin oday ah oo gurigiisa dhexyaalay labo sano.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here