Swedish u doodaya in la aqoonsado Somaliland

40

Ka dib markii ay dowlada Sweden ku dhawaaqday in ay aqoonsanayso wadanka Falastiin ayaa waxaa isa soo taraya Swedishka u doodaya in sidoo kale la aqoonsado Somaliland isla markaana la barbardhigaya Falastiin. Isbuucii hore ayaa wargeyska SvD waxaa ninka lagu magacaabo Per Gudmundson ku qoray mowduuc uu ku doodayo in Somaliland la aqoonsado halkii laga aqoonsan lahaa Falastiin.

Ninkaas oo ah nin lagu yaqaano naceybka Islaamka isla markaana si joogto ah u qora mowduucyo ka dhan Islaamka iyo ajaanibta ayaa ku dooday in Falastiin aysan buuxin shuruudaha dowladnimada, Islamarkaana haddii dowlada Sweden ay aqoonsanayso wadan Muslim ah waa in ay aqoonsataa Somaliland.

Sidoo kale ninka lagu magacaabo Mikael Torstensson oo ah nin ganacsade ah isla markaana u shaqeeya dowlada Somaliland ayaa shalay mowduuc kale ku qoray SvD kaasoo ugu magacdaray “Sirta ugu fiican afrika ee la xafiday”. Mowduucaas ayuu kaga hadlay horumarka ay samaysay Somaliland. Waxa uu sheegay in Somaliland ay xaga dimoqraadiyada ka horayso wadamada dariska la ah. Ninkaas ayaa si qoto dheer u soo bandhigay taariikhda Somaliland iyo sida ay ku noqotay wadan isla markaana in aysan Somalia marnaba ka mid ahayn. Ugu dambeyntii ayuu dowlada Sweden ugu baaqay in ay qaado talaabada lagu aqoonsanayo Somaliland iyo in shirkadaha Swedishka ay wadanka maalgashadaan.

Mikael Torstensson ayaa shaqadiisa ay tahay in uu amaano Somaliland isla markaana uu ka dhaadhiciyo Swedishka in ay tahay wadan madaxbanaan. Waxa uu la taliye u yahay dowlada Somaliland isagoona ka faa’iida dhaqaale ahaan. Ninkaan ayaa qabanqaabiya xaflado la xiriira Somaliland, isagoo xitaa tagay wadanka Shiinaha oo uu calanka Somaliland ka taagay Darbiga weyn ee shiinaha (Great Wall of China). Dowlada Somaliland ayaa u muuqata mid ay ka go’antahay sidii ay sumcad ugu yeelan lahayd wadamada reer galbeedka iyagoo taas u maraya in ay shaqaalaysiiyaan dadka cadaanka ah.

Sidee u aragtaa baaqyada Swedishka ee ku aadan in la aqoonsado Somaliland? Iyo dadaalka ay dowlada Somaliland ku bixinayso sumcad abuurista? Ku darso fikradaada…

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here