Shirkadaha Etableringslots oo la xirayo

18

Shirkadaha la shaqeeya xafiiska shaqada Arbetsförmedlingen ee dadka cusub ka caawiya la qabsiga wadanka oo loo yaqaan etableringslots ayaa la xiri doonaa sida ay soo bandhigtay dowlada cusub. Dowlada ayaa shalay sheegtay in barnaamijkaas la joojin doono maadaama uu noqday mid aan waxtar lahayn.

Dowlada ayaa boggooda internetka ku qortay in cabashooyin badan ay ka yimaadeen shirkadaha Lots-ska iyadoo la joojin doono ka bilaabata bisha Janaayo 1, 2016. Dowlada ayaa samayn doonta baaritaan ku saabsan sida loo caawin karo dadka cusub. Shirkadaha Lots-ka ayay dowlada cusub ku eedeysay in aysan xooga saarin shaqada.

Joojinta barnaamijka etableringslots ayaa keeni doona in dad badan ay ku shaqo beelaan, iyadoo ay jiraan Soomaali badan oo shirkado ka sameeyay adeega Lotska. Inkastoo eedeymo badan loo jeediyay shirkadahaan iyo in uu jiro musuqmaasuq badan oo ay sameeyaan, ayay hadana caawimaad la taaban karo siiyaan dadka wadanka ku cusub.

Sidee u aragtaa go’aanka dowlada? maku raacsantahay in la xiro shirkadaha etableringslots?

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here