Mursal Isa oo loo doortay gudoonka gobolka Dalarna

6

Shalay ayaa waxaa magaaalada Falun lagu doortay gudoonka cusub ee maamulka gobolka Dalarna (landstingsråd) iyadoo uu markii ugu horeysay taariikhda Sweden uu qof Soomaali ah ka mid noqdo xubnaha gudiga ee gobolada Sweden. Mursal Isa ayaa xisbiga Miljöpartiet u fariisan doona kursiga gudoomiyaha gobolka, isagoo ay ku wehliyaan labo xubnood oo ka tirsan xisbiga Socialdemorkaterna (S) iyo xubin ka tirsan xisbiga Vänsterpartiet (V).

Maamulka cusub ee gobolka Dalarna oo Mursal Isa uu xubin ka yahay ayaan haysan aqlabiyad balse waxay sheegeen in wada shaqayn la samayn doonaan xisbiyada kale ee ka tirsan xulufadii dowladii hore ee Alliansen. Mursal ayaa telefishinka Svt u sheegay in ay ka shaqayn doonaan horumarinta caafimaadka gobolka.

Maamulka gobolka ayaa hawshooda ugu weyn ay tahay caafimaadka iyo gaadiidka dadweynaha. Mursal iyo xulufadiisa ayaa shaqada maamulka hayn doona ilaa doorashada soo socota ee sanadka 2018. Shaqada Mursal ayaa noqon doonta mid 60% ah isagoo qaadan doona mushaar gaaraya 32 940 kr/bishii.

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here