Dowlada cusub oo samaynaysa isbadalo la xiriira shaqada

5

Warbaahinta Sweden ayaa saaka qortay warbixin ku saabsan isbedalo cusub oo xulufada dowlada cusub ay ku heshiiyeen in lagu sameeyo arimaha la xiriira shaqada, sida in la kordhiyo lacagta A-kassa, lacagta jirada iyo in laga taqaluso mashruuca Fas 3 ee ay ku jiraan dadka mudada dheer shaqo la’aanta ahaa.

Qorshayaasha cusub oo la filayo in la soo bandhigo isbuucaan ayaa ah kuwo la wada sugayay, iyadoo xisbiga Socialdemokraterna (S) iyo Miljöpartiet (MP) ay horay u balan qaadeen in la kordhin doono A-kassa iyo in la xiri doono Fas 3 oo cabasho badan ka timid. Socialka ayaa sidoo kale balan qaaday in la kordhin doono lacagta caruurta ee Barnbidrag balse wali ma cada in taas ay ku heshiiyeen.

Dowlada cusub ayaa sidoo kale bilaabi doonta mashruucyo waaweyn sida dhismayaasha wadooyinka tareenada, taasoo lagu doonayo in lagu abuuro shaqooyin cusub. Stefan Löfven ayaa la filayaa in jimcada uu soo magacaabo wasiirada cusub iyo in baarlamaanka uu ansixiyo.

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here