Booliska Sweden oo ugaarsan doona dadka sharci darada ah

7

Maalinta isniinta ee taariikhdu tahay 13 oktoobar ayaa booliska Sweden oo la shaqaynaya dhamaan booliska midowga Yurub waxay bilaabi doonaan olole loogu magacdaray Mos Maiorum oo lagu ugaarsan doono dadka sharci darada ku jooga wadamada midowga Yurub laguna tirakoobi doono.

Ololahaan oo uu soo jeediyay wadanka Talyaaniga ayaa laga fulin doonaa dhamaan qaarada Yurub iyadoo booliska Sweden ay qeyb ka qaadan doonaan. Dadka u dooda qaxootiga ayaa ku tilmaamay mid lagu ugaarsan doono dadka madoow iyo ajaanibta xitaa haddii ay wadanka Sweden si sharci ah ku joogaan ama ay ka midyihiin muwaadiniinta Sweden.

Ujeedada ololaha ayaa lagu sheegay mid lagula dagaalamayo ka ganacsiga dadka iyo maandooriyaha balse waxaa cadaatay ujeedka in uu yahay in lagu qabqabto dadka aan sharciga ku joogin Sweden iyo in lagu tirokoobo. Dowlada cusub ee Sweden ayaa diiday in ay hadal ka bixiso sababta ay uga qeyb qaadanayaan ololaha nuucaan ah, iyagoo dhowr jeer muujiyay sida ay u doonayaan in dadka loo fududeeyo sharciga.

Sanadkii hore ayaa booliska Sweden lagu eedeeyay in ay cunsuriyad ku sameeyeen dadka soo galootiga ah, iyadoo ay goobaha tareenada laga raaco ku joojiyeen dadka madoow iyo dadka u muuqda ajaanibta. Mashruucaas ayaa loogu magacdaray Reva.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here