Jimmie Åkesson oo siyaasada ka fariistay

2

Gudoomiyaha xisbiga cunsuriga ah ee Sverigedemokraterna (SD) Jimmie Åkesson ayaa u muuqda mid xamili waayay culeyska siyaasada isagoo shalay ku dhawaaqay in uu isku qoray xanuun ka dib markii uu dareemay culeys maskada ah. Åkesson ayaa siyaasada ka maqnaan doona muddo aan la cayimin.

Åkesson ayaa warqad uu ku qoray boggiisa Facebook uga hadlay sababta uu uga fariistay siyaasada, isagoo sheegay in shaqada badan iyo cadaadiska siyaasadeed ee lagu haayo ay keentay in uu dareemo xanuun. Waxa uu sheegay in uusan awoodin in uu shaqadiisa si caadi ah u wato sidaas darteed uu go’aansaday in uu si guud uga fariisto siyaasada isla markaana waqtigiisa la qaato reerkiisa iyo caruurtiisa. Åkesson ayaa ka cabtay cadaadiska siyaasadeed iyo naceybka ay ku hayaan dadka ka soo horjeeda.

Hogaanka xisbiga SD ayaa waxaa la wareegaya inta Åkesson uu maqanyahay ninka lagu magacaabo Mattias Karlsson oo hada hogaanka u haya xubnaha baarlamaanka ee xisbiga SD.

Åkesson ayaa horumar weyn gaarsiiyay xisbiga cunsuriyiinta ee SD, isagoo ka dhigay xisbiga sadexaad ee ugu weyn Sweden. Waxa uu sidoo kale la kulmay cadaadis iyo olole balaaran oo looga soo horjeedo siyaasadiisa, xisbiyada kale ee Sweden ayaa siyaasad ahaan go’doomiyay SD, iyagoo u diiday in uu wax saamayn ah ku yeesho siyaasada wadanka.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here