Weerarada lagu qaadayo dumarka Muslimiinta oo soo badanaya

7

Ka dib doorashadii ka dhacday Sweden ee ay cunsuriyiinta heleen codod badan ayaa waxaa siyaaday weerarada lagu qaadayo dumarka muslimiinta ah ee xijaabka xiran. Isbuucii hore waxaa gabadh Muslimad ah oo ku nool degmada Värmdö ee ka tirsan Stockholm laysku dayay in Eey lagu weeraro.

Gabadhaan oo ka dib markii ay caruurteeda seexisay dibada u aaday hawo qaadasho ayaa nin cunsuri ah oo Eey wata uu sheegay in uu ka shakiyay oo uu doonayo in uu baaro, isagoo isku sheegay in uu boolis yahay. Gabadha Muslimada ayaa ka dalbatay in uu soo bandhigo kaarkiisa aqoonsiga booliska balse taas ayuu diiday, isagoo isku dayay in uu Eeyga cunsiiyo. Gabadha ayaa hoos telefoon booliska uga dirtay iyagoo si degdeg ah goobta ku yimid. Booliska ayaa gabadha Muslimada ah gurigeeda geeyay, iyagoo ninkiina saldhiga booliska la aaday.

Sidoo kale, isbuucaan waxaa la weeraray Fatima Ahmed oo aad sawirka ka aragtaan, iyadoo nin uu dhulka ku tuuray ka dibna ay wajiga ku dhufsatay laamiga. Ninka weeraray Fatima ayaa ka dib ku yiri hadalo aflagaado ah oo ka dhan ah Muslimiinta. Fatima ayaa sheegtay in ay booliska dacwad u gudbisay.

Weerarada iyo aflagaadada lagu samaynayo gabdhaha Muslimiinta ah ee xijaabka xiran ee ku nool Sweden ayaa soo badanaya, iyadoo cinqaabta ay la kulmayaan dadka weerada geysta aysan ahayn mid culus.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here