Soomaalida soo gashay baarlamaanka Sweden

5

Doorashadii Sweden ka dhacday axadii la soo dhaafay waxay ahayd mid taariikhii ah marka laga hadlayo tirada musharaxiinta Soomaalida ee u sharaxnaa in ay soo galaan baarlamaanka Sweden. 23 musharax ah oo Soomaali ayaa ka qeyb qaadatay doorashada balse tirada soo gashay ayaa noqotay mid aad u yar.

Xildhibaanada Soomaalida ee ilaa hada soo galay baarlamaanka ayaa ah hal qof oo keliya.

Ugu horeyn waxaa baarlamaanka markale kursi ka helay Amir Adan oo ka tirsan xisbiga Moderaterna (M). Amir ayaa ka mid ahaa xildhibaanada Soomaalida ee horay ugu jiray baarlamaanka isagoo hada sii wadaya shaqadiisa. Xisbiga Moderaterna (M) ayaa guud ahaan 10 kursi ka helay magaalada Stockholm, iyadoo Amir uu safka kaga jiray nambarka lixaad.

Dhinaca kale, waxaa jidha tiro fiican oo Soomaali kuraas ka helay golaha degmooyinka Sweden, mowduuc kale ayaan ku eegi doonaa dadka kuraasta ka helay degmooyinka iyo gobolada.

Haddaan nahay bahda Somaliska waxaan leenahay Amir iyo Mursal hambalyo iyo shaqo wacan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here