Mubarik: Soomaalida waa in baasaboorka lagu siiyaa 5 sano

17

Mubarik Abdirahman oo ah musharax baarlamaanka oo ka tirsan xisbiga Socialdemokraterna (S) ayaa mowduuc uu ku qoray bogga telefishinka SVT waxa uu ku dhaliilay Laanta Socdaalka (Migrationsverket) sida ay ula dhaqanto dadka Soomaalida iyo Afghanida.

Mubarak ayaa ka hadlay muhiimada ay leedahay dhalashada Sweden iyo in ay qeyb ka tahay isdhexgalka marka qofku uu qaato baasaboorka Sweden. Balse waxa uu sheegay in inta badan dadka soo galootiga ah ay baasaboorka ku qaataan 5 sano halka dadka Soomaalida iyo Afghanida ah lagu faqooqa oo ay sugaan 8 sano.

Mubarik ayaa Laanta Socdaalka ku tilmaamay mid kala hadal ku shaqaysa, iyagoo ku doodaya in qofka uusan cadeyn aqoonsigooda isla markaana aan aamani karin hadalka qofka balse ay yihiin kuwa masuulka ka ah baaritaanka magangalyada oo dadka sharciga siiya. Isagoo intaas ku daray in Sweden ay ku faanto in ay caawiso Soomaalida balse aysan doonayn in ay aqbasho aqoonsigooda.

Mubarik ayaa soo bandhigay cunsuriyada iyo faqooqa lagu hayo Soomaalida, oo xitaa lagu adkeeyo in ay isguursadaan maadaama aan lala mideynayn lamaanahooda. Waxa uu intaas ku daray in Sweden ay sidaas darteed jabisay sharciyada caalamiga ah.

Waxa uu soo jeediyay in la gaaray xiligii ay dhamaan lahayd faqooqa lagu hayo Soomaalida, oo la gaaray waqtigii dadka isku si loola dhaqmi lahaa. Sweden waa in ay fursad u siisaa qaxootiga qaab kale oo ay ku cadeyn karaan aqoonsigooda iyaga oo aan lagu xirin warqado.

Mubarik ayaa sidoo kale cadeeyay in Sweden ay xiriir fiican la leedahay dowlada Somalia, isla markaana ay ka midtahay wadamadii ugu horeeyay ee safiir u magacaaba Somalia. Waa maxay sababta aan loo aqbalayn warqadaha dowlada Somalia? ayuu iswaydiiyay Mubarik oo sheegay in jawaabta ay tahay mid aan la ogeyn.

Arinta uu ka dhawaajiyay Mubarik ayaa ah mid si weyn u taabanaysa Soomaali badan oo wadanka ku cusub, kuwaasoo lagu qasbay in ay 8 sano sugaan dhalashada wadanka, halka dadka kale ay 5 sano ku qaadanayaan baasaboorka. Waxa uu balan qaaday in arintaan uu ka shaqayn doono haddii uu baarlamaanka soo galo.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here