Hawsha Arbetsförmedlingen oo lagu tilmaamay mid aan macquul ahayn

18

Baaritaan uu sameeyay telefishinka SVT ayaa lagu soo bandhigay culeyska haysta shaqaalaha Xafiiska Shaqada (Arbetsförmedlingen). Shaqaalaha AF ayaa la sheegay in aysan waqti u helin in ay la kulmaan dadka shaqo doonka ah, isla markaana ay ku mashquuleen warqadaha iyo maareyntooda.

Hay’ada Arbetsförmedlingen ayaa hawsha dowlada u dirtay ay tahay in ay isku xiraan dadka shaqo doonka ah iyo shirkadaha balse waxay dhex dabaalanayaan hawlo kale oo farihii ka batay. Shaqaalaha ayaa ka cabanaya cadaadis iyo waqti la’aan. In ka yar 40% shaqaalaha AF ayaa sheegay in ay ka soo bixi karaan shaqadooda. Iyadoo shaqada Arbetsförmedlingen lagu tilmaamay mid aan sideedaba macquul ahayn in la fuliyo.

Arbetsförmedlingen ayaa ka mid ah hay’adaha dowlada loogu necebyahay, iyagoo lagu tilmaamo kuwo aan waxba qaban balse sida uu soo bandhigay SVT shaqaalaha laftooda ayaa ah kuwo ay haysato dhibaato weyn oo xaga maamulka iyo shaqada ah. Iyagoo ka mashquulay hawshii laga rebay ee ahayd in ay dadka shaqo la raadiyaan.

Sidee u aragtaa hawsha Arbetsförmedlingen? maku qanacsantahay shaqadooda? Ku darso fikradaada.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here