Cunsuriyiin Soomaali weerartay oo maxkamad la soo taagayo

3

Sadex cunsuriyiin ah ayaa maxkamad lagu soo taagayaa weerar ay ku qaadeen dhalinyaro Soomaali ah oo ku nool tuulada Tomelilla ee ka tirsan gobolka Skåne. Weerarka ayaa dhacay 21 bishii hore iyadoo wiilasha Soomaalida oo gurigooda jiifa aroortii ay ku soo kalaheen cunsuriyiinta oo ku qeylinayay erayo ay ka midyihiin “dila Soomaalida” iyo amaanta Hitler.

Cunsuriyiinta ayaa dhagaxaan iyo baaskiilo ku tuuray daaqadaha guriga ay ku jireen Soomaalida, iyadoo mid ka mid ah dhalinyarada Soomaalida uu kacay baaskiil. Cunsuriyiinta oo lagu tilmaamay kuwo cabsan ayaa markii dambe tagay fagaaraha degmada iyagoo weli ku qaylinaya “dila Soomaalida”.

Booliska ayaa goobta yimid iyagoo qoraalo ka sameeyay marqaatiyaal, iyadoo wali cunsuriyiinta oo ah dhalinyaro da’dooda lagu sheegay 21, 22 iyo 23 sano ay goobta ku suganyihiin. Dambi oogaha ayaa raggaan hadda ku soo oogaya weerar ku salaysan jinsiyad. Cunsuriyiinta ayaa maxkamad la soo taagayaa isbuucyada soo socda.

Ma ahan markii ugu horeysay ee tuulada Tomelilla, iyadoo sanadkii 2011 lagu weeraray haweenay Soomaali ah iyo caruurteeda.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here