Jimmie Åkesson oo fadeexad weyn ku dhacay

1

Gudoomiyaha xisbiga cunsuriga ah ee Sverigedemokraterna (SD) Jimmie Åkesson ayaa waxaa la soo gudboonaatay fadeexad weyn ka dib markii shalay la soo bandhigay in uu ku qamaaray lacag aad u fara badan.

Idaacada Ekot ayaa soo bandhigtay in Åkesson uu sanadkaan ku qamaaray lacag gaaraysa 500 000 kr taasoo ka badan mushaarkiisa sanadka. Idaacada ayaa soo bandhigtay in mararka qaar Åkesson laga guulaystay lacag gaaraysa 50 000kr, isagoo aan ka harin qamaarka balse kumanaan kale ku sii qamaaray.

Åkesson ayaa markii wax laga waydiiyay arintaan ku jawaabay in ay tahay arin qaas ah, oo isaga iyo xaaskiisa ay si wada jir ah u wada qamaareen. Ka dib uu qirtay in arintaan ay tahay dhibaato maadaama lacagtu ay aad u badantahay. Khubarada qamaarka ayaa ku tilmaamay dabeecada Jimmie Åkesson mid xad dhaaf ah.

Sida ay arintaan u saameynayso doorashada ayaan wali cadeyn balse waxaa la ogaan doonaa maalinta axada in taageerada xisbiga SD ay hoos u dhacday iyo in kale.

Dhinaca kale, wargeyska Aftonbladet ayaa soo bandhigtay koox ka tirsan xisbiga SD oo baabuur iyo kaamiro la dhex wareegaya xaafadaha soo galootiga iyagoo ku sheekaysanaya “waxaan helay neger” iyo erayo kale oo ay kaga hadlaan dadka madoow iyo Soomaalida.

Fadeexadaha ka dhanka ah xisbiga SD ayaa isbuucyadii la soo dhaafay soo badatay balse waxaa muuqata in aysan wax badan iska badalin taageerada ay haystaan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here