Xagee kala marayaan xisbiyada ku loolamaya doorashada Sweden?

1

Iyadoo doorashada ay ka dhimantahay 18 maalmood oo keliya ayaa taageerada xulufada dowlada ay u muuqataa mid aan dhaqdhaqaaq samayn, halka xulufada mucaaradka ee uu hogaanka u hayo xisbiga Socialdemokraterna (S) ay waxyar hoos u dhacday sida lagu soo bandhigay afti ururintii ugu dambeysay ee ay samaysay shirkada Novus.

Guud ahaan sadexda xisbi ee ku mideysan xulufada loo yaqaan “Rödgrönt” oo kala ah Socialdemokraterna (S), Miljöpartiet (MP) iyo Vänsterpartiet (V) ayaa helay 49,5% cododka, halka xulufada dowlada ee Alliensen ee uu hogaamiyo xisbiga Moderaterna (M) ay heleen 38,4%. Afti ururinta cusub ayaa muujinaysa in aysan taageerada xulufada dowlada wax la taaban karo kor u kicin ka dib qudbadii raysal wasaaraha. Iyagoo sadex dhibcood oo keliya siyaaday. Xulufada mucaaradka ayaa labo dhibcood iyagana hoos u dhacay.

Si kastaba ha ahaatee, taageerada mucaaradka ayaa wali ka hooseysa aqlabiyad ay wadanka ku xukumi karaan, iyagoo u baahan doona in ay xulufada ku soo daraan xisbiyo kale. Gudoomiyaha xisbiga Socialdemokraterna (S) Stefan Löfven ayaa muujiyay dhowr goor in uusan ku faraxsanayn la shaqaynta xisbiga Vänsterpartiet.

Xisbiga cunsuriga ah ee Sverigedemokraterna (SD) ayaa iyagu helay 8,9% taasoo ka dhigaysa xisbiga afaraad ee ugu weyn wadanka.

novus

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here