Swedish badan oo taageersan qaabilaada qaxootiga

15

Aqlabiyada shacabka Sweden ayaa taageersan in wadanka uu qaabilo qaxooti badan sida lagu soo bandhigay afti ururin ay samaysay shirkada Novus. Wareysi laga qaaday dad gaaray 1000 qof ayaa lagu muujiyay in 3 meelood 2 meel ay shacabka Sweden taageersanyihiin qaabilaada qaxooti badan.

26% dadka la wareystay ayaa ku jawaabay in ay fiicantahay in Sweden ay qaabisho qaxooti ka badan inta hada ay qaabisho, halka 36% ay ku jawaabeen in tirada hada Sweden ay qaabisho ay tahay mid wanaagsan. 32% ayaa doonaya in la yareeyo tirada qaxootiga.

Dhinaca kale, Laanta Socdaalka (Migrationsverket) ayaa kor u qaaday saadaayeesha ku aadan tirada qaxootiga ee sanadkaan la filayo in ay iska dhiibaan Sweden. Saadaasha cusub ayaa lagu qiyaasayaa 100.000 qof taasoo ka dhigaysa tiradii ugu badnayd ee abid iska dhiibka Sweden .

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here