Macalin la’aan haysata luuqada Af-Soomaaliga

8

Degmooyinka Sweden ayaa cabasho ka muujiyay macalin la’aanta luuqada Af-Soomaaliga. Caruurta Soomaalida ayaa xaq u leh in la baro luuqadooda hooyo taasoo ah masuuliyad ka saarantahay degmooyinka sweden balse macalimiin Soomaali ah ayaan lahayn sida lagu soo bandhigay warbixin ay ururisay idaacada SR.

Inkastoo ay jiraan luuqado kale oo iyaga laftooad macalin la’aan ay jidho ayaa Af-Soomaaliga lagu sheegay tan ugu dhibka badan. Macalimiinta la raadinayo ayaa ah kuwo aqoon jaamacadeed leh balse kamuunada ayaa sheegay in Af-Soomaliga aysan xitaa u hayn kuwo aan jaamacad gaarin. Kamuunka Karlstad ayaa ka mid ah goobaha ay cabashada ugu badan ka timid.

Jaamacada Göteborg ayaa hada bilaabaysa koorso Af-Soomaali ah oo ilaa 40 qof ay iska diiwaan galiyeen.

“Waxaa jidha baahi weyn oo loo qabo macalimiinta Af-Soomaaliga maadaama aysan hore u jirin koorso lagu barto luuqadaan” ayuu yiri Morgan Nilsson oo jaamacada Göteborg u qaabilsan af-Soomaaliga.

Dhibaatada kamuunada ka haysata macalimiinta Soomaalida, ayaa saamayn toos ah ku yeelanysa caruurta Soomaalida ee aan heli doonin cid barta luuqadooda, taasoo ay xaq u leeyihiin sida uu dhigayo sharciga wadanka.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here