Iraaqiyiinta kiristaanka oo ku soo wajahan Sweden

6

Ka dib xaalada kacsan ee ka jidha waqooyiga wadanka Iraq halkaasoo la sheegay in ururka IS (Islamic State) ee ku dhow Al-Qacida ay bartilmaameed ka dhigteen dadka Kiristaanka ah ayaa Laanta Socdaalka Sweden ay sheegtay in ay isku diyaarinayaan in kumanaan Kiristaan ah ay iska dhiibaan Sweden.

Ururka IS ayaa la sheegay in ay guryahooda ka saareen dad gaaraya 100 000 qof kuwaasoo naftooda kala baxsaday ka dib markii lagu amray in ay Muslimaan ama ay isaga baxaan dhulka. Ururka IS ayaa guulo waaweyn ka gaaray dagaalka ay kula jiraan ciidamada wadanka Iraq iyo kuwa Kurdiyiinta. IS ayaa waxaa ka tirsan dhalinyaro badan oo qaarkood ay Soomaali yihiin kuwaasoo ka tagay wadanka Sweden iyo wadamo kale oo reer galbeed ah.

Laanta Socdaalka ayaa horay u filaysay in qiyaastii 89 000 qof ay Sweden iska dhiibaan sanadkaan balse hadda ayaa la filayaa in tiradaas ay si aad ah sare ugu kacdo maadaama xaalada wadanka Iraq ay ka sii darayso.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here