Doorashada Sweden & Danaha Soomaalida: Xisbiga Centerpartiet

3

Iyadoo doorashada guud ee Sweden ay naga xigto mudo bil ah ayaan barnaamijkaan ku soo qaadan doonaa taariikhda iyo siyaasada xisbiyada Sweden oo kooban. Waxaan xisbiyada ku qiimeyn doonaa siyaasadooda ku aadan arimaha soo galootiga iyo qaasatan danaha Soomaalida. 

Maanta waxaan ku bilaabi doonaa Xisbiga Dhexe ama Centerpartiet (C). Xisbigaan ayaa la aasaasay sanadkii 1913 iyadoo xiligaas lagu magacaabi jiray Bondeförbundet ama Xisbiga Beeralayda. Xisbigaan ayaa ah mid taageerayaashiisa ay yihiin beeralay isla markaana u badan dadka reer baadiyaha. Sanadkii 1957 ayay magaca iska badaleen. Thorbjörn Fälldin oo ahaa raysal wasaaraha Sweden sanadihii 1976-1982 ayaa ka tirsanaa xisbiga Centerpartiet.

Xisbigaan ayaa mudo 25 sano ah xulufo la ahaa xisbiga Socialdemokraterna (S). Balse sanadihii dambe ayay u wareegeen siyaasada dhexe, iyagoo sanadkii 1991 xulufo la noqday xisbiga Moderaterna (M) oo xiligaas uu hogaamin jiray Carl Bildt oo hada ah wasiirka arimaha dibada.

Xisbiga Centerpartiet ayaa ah xisbi siyaasadiisa ay ku dhisantahay arimaha baadiyaha balse sanadihii dambe ayay isku dayeen in ay faraha la galaan arimaha magaalooyinka, waa xisbi taageersan arimaha socdaalka iyo soo dhaweynta qaxootiga. Gudoomiyaha xisbiga waa haweeneyda lagu magacaabo Annie Lööf oo hada ah wasiirka Ganacsiga.

Soomaalida ayaan sidaa ugu firfircoonayn xisbiga Centerpartiet marka laga reebo dhowr qof oo ku jidha cutubyada tuulooyinka. Magaalada Fagersta ayaa gudoomiyaha xisbiga Centerpartiet ee degmadaas uu yahay Soomaali.

Marka laga hadlayo siyaasada xisbigaan iyo danaha Soomaalida, ayaa la dhihi karaa in xisbiga C uusan wax badan ka duwanayn xisbiyada ay xulufada ku yihiin dowlada Sweden. Laakiin waxa uu kaga liitaa in taageeradooda ay aad u yartahay. Doorashadii 2010 ayay heleen 6,56% oo u dhiganta 23 kursi oo ay baarlamaanka ka heleen. Doorashadii 2006 ayay heleen 7,88%.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here