Dab balaaran oo qasaare ka gaystay gobolka Västmanland

3

Dab balaaran ayaa maalintii 6-aad ka socda keymaha gobolka Västmanland iyadoo kumanaan qoys laga raray guryahooda. Dabka ayaa u badan duurka ku dhow tuulada Norberg oo Fagersta ku dhow. Dabkaan ayaa lagu tilmaamay mid taariikhi ah.

Dab damiska Sweden ayaa u muuqda kuwo ku guul daraystay xakaymaynta dabka, iyadoo ay hada caawimaad ka heleen wadanka France iyo Italy oo labo diyaaradood u soo diray. Xalay ayaa dabka aad ugu soo dhawaaday Norberg iyadoo shacabka ku nool tuulada loo sheegay in ay isku diyaariyaan guuritaan.

Xalay ayaa meydka nin ku geeriyooday dabka waxaa laga helay duurka. Qasaaraha dhaqaale ee uu geystay dabkaan ayaa ah mid aad u balaaran. Dowlada ayaa ku dhawaaqday in goobaha dabka uu ka socda ay ka jidho xaalad degdeg ah. Ciidamada milatariga ayaa ka qeyb qaadanaya xakamaynta dabka.

Goobaha uu ku soo dhawaaday dabka ayaa waxaa ka mid ah Norberg, Sala, Fagersta iyo tuulooyinka ku dhow. Heer kulka oo aad u sara kacay maalmihii u dambeeyay ayaa lagu eedeynayaa dabkaan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here