Kamuunada ugu taajirsan iyo kuwa ugu faqiirsan Sweden

6

Wargeyska Dagens Samhälle ayaa soo bandhigay xaalada dhaqaalaha ee kamuunada Sweden, iyadoo sanadkii tagay ay guud ahaan kamuunada Sweden u baaqatay lacag gaaraysa 15 bilyan oo karoon. Hadaba kamuunadee ugu taajirsan uguna faqiirsan Sweden?

Magaalada Stockholm Stad ayaa ugu taajirsan Sweden sanadkii tagay, iyagoo isku celcelis dhaqaalaha shaqsi kasta ee ku nool Stockholm uu noqday 110 997 kr. Waxaa ku soo xigay magaalada Skellefteå ee waqooyiga Sweden. Sadexaad waxaa galay Halmstad.

Kamuunka ugu faqiirsan Sweden ayaa waxaa galay Laxå oo ka tirsan gobolka Örebro län, iyadoo isku celcelis dadka ku nool Laxå lagu yeeshay -892 kr. Waxaa kaalinta labaad galay Surahammar oo ka tirsan Västmanland iyo Grums oo ka tirsan Värmland.

Halkaan (PDF) ayaad ka akhrisan kartaa liiska oo dhamaystiran. Sidee u aragtaa xaalada dhaqaalaha ee kamuunka aad ku nooshahay?

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here