Gabadhii ugu horeysay ee Xijaab xiran oo ku biirtay dab damiska Sweden

4

Gabadha lagu magacaabo Shatila Salami oo 30 sano jir ah ayaa noqotay gabadhii ugu horeysay ee xijaab xiran oo ku biirta dab damiska Sweden. Gabadhaan ayaa horay sidoo kale noqotay midii ugu horeysay ee xijaab xiran oo qaadata tababarka milatariga Sweden. 

Iyadoo ka halaysa culeyska ay la kulantay markii ay samaysay tababarka ciidanka ayay shatilada-ciidankasheegtay in dhowr jeer loogu yeeray argagixiso iyo in cunsuriyad badan ay la kulantahay, iyadoo markii dambe loo sheegay in aysan tababarka ciidanka qaadan karin haddii aysan xijaabka iska qaadin balse arintaas ayay diiday. 9 bilood ka dib ayaa ciidanka milatariga ay la soo xiriireen iyagoo aqbalay xijaabkeeda. Shatila ayaa soo dhamaysatay tababarka ciidanka iyadoo noqotay gabadhii ugu horeysay ee xijaab xiran ee guud ahaan qaarada Yurub ka qaadata tababarka ciidanka.

Ka dib ay go’aansatay in ay  qaadato tababarka dab damiska. Hada ayay ka shaqaysaa xarunta dab damiska ee magaalada Malmö. Waxay sheegtay in markii ay bilowday dab damiska lagu yiri in aysan dumarka shaqadaan qaban karin balse waxay sheegtay in ay doonayso in ay muujiso in gabdhaha Muslimiinta ay wax kasta qaban karaan.

Shatila ayaa sheegtay in shaqada dab damiska ka dib ay doonayso in ay ku biirto ciidanka Booliska.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here