Nin imaam isku sheegay oo nikaax u samaynaya lamaane dumar ah

12

Ninka lagu magacaabo Ludovic Mohamed Zahed oo isku sheegay in uu yahay Imaam oo hada ka hor Masaajid ay khaniisiintu ku tukadaan ka furay magaalada Paris ee wadanka France ayaa isbuucaan magaalada Stockholm ka samaynaya nikaax kaasoo uu isku nikaaxinayo labo hablood. Ninkaan ayaa laftiisa waxaa qaba nin kale.

Ninkaan oo hada ka qeyb galaya isku imaadka iyo dabaaldegga qaniisiinta ay ka samaynaya magaalada Stockholm ayaa maalinta jimcaha sheegay in uu isku nikaaxinayo labo dumar ah oo lagu kala magacaabo Maryam Iranfar iyo Sahar Mosleh oo mid ka mid ah ay cuuryaan tahay.

Arinta cajiibka ayaa ah in saxaafada qaarkood aysan cadayn in uusan ninkaan imaamka isku sheegaya ahayn imaam caadi ah. Balse uu yahay nin isaga laftiisu khaniis ah.

Magaalada Stockholm ayaa isbuucaan waxaa ka bilowday isku imaadka khaniisiinta halkaasoo ay ku soo urureen kumanaan khaniisiin ah oo ka kala yimid daafaha Yurub iyo caalamka. Isku imaadkaan ayaa sanadkiiba mar la qabtaa. iyadoo lagu magacaabo Stockholm Pride.

Sidee kula tahay arintaan? ninkaan Imaam ma lagu tilmaami karaa?

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here