Digniin ku saabsan kuleel xad dhaaf ah oo la soo saaaray

3

Hay’ada cimilada Sweden (SMHI) ayaa soo saartay digniin taariikhi ah oo ku saabsan kuleel xad dhaaf ah oo isbuucaan laga dareemi doono Sweden. Hay’ada ayaa sheegtay in ay filayaan in heer kulka uu dhaafo 30C sadex maalmood oo isku xigta taasoo ka dambaysay in ay soo saaraan digniinta nuuca Class 1 oo ku saabsan in heerkulka uu waxyeelayn karo shacabka.

Digniintaan ayaa noqonaysa tii ugu horeysay ee abid laga soo saaro heer kulka. Hay’ada SMHI ayaa si joogto ah u soo saarto digniino ku saabsan cimilada xiliga qaboobaha. Digniinta kuleylka xad dhaafka ah ayaa qaasatan ku wajahan gobolada Västernorrland, Västerbotten iyo Norrbotten.

Heerkulka Sweden ayaa maalmihii la soo dhaafay aad kor ugu kacay oo u dhexeeya 25-30C. Iyado xitaa habeenkii uusan heer kulka ka dhicin 20C. Kuleelka ugu badnaa ilaa sanadkii 1933 ayaa bishaan ka dhacay degmada Junsele kaasoo gaaracay 31.8C.

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here