Löfven oo ku adkaystay hadalkiisa, diidayna in uu cambaareeyo Israel

9

Gudoomiyaha xisbiga Socialdemokraterna (S) Stefan Löfven ayaa ku adkaystay hadalkii uu ku qoray bogga Facebook ee uu taageerada ugu muujiyay Israel. Isaga oo la hadlay wakaalada TT ayuu sheegay in hadalkiisa uu ku dhisanyahay siyaasada xisbigiisa.

“Hadalkayga waxa uu ku salaysanyahay siyaasada xisbiga ee aan marar badan ka dhawaajinay.” ayuu yiri Löfven, Isagoo ka leex leexday markii la waydiiyay sababta uusan u cambaareyn Israel. Mar wax laga waydiiyay in Israel ay u jabisay sharciyada dagaalka ayuu sheegay in taasi su’aal laga keeni karo.

Wariyaha ayaa waydiiyay in uu cambaareynayo Israel iyo in kale isagoo ku jawaabay: Waxaan cadaynayaa in ay xaq u leeyihiin in ay isdifaacaan laakiin waa in ay raacaan sharciyada caalamiga ah. 

Dhinaca kale ayuu Löfven eedeyn u soo jeediyay dadkii fariimaha ugu reebay Facebook isagoo qaarkood ku eedeeyay in ay muujiyen naceyb ka dhan ah Yuhuuda. Waxa uu sheegay in ay bogga ka tireen qaar ka mid ah fariimihii loo reebay.

Löfven ayaa u muuqda nin aan dan kala hayn codka Muslimiinta Sweden, isagoo taageeradiisa Israel laga dheehan karo hadalkiisa. In Soomaalida iyo Muslimiinta ku nool Sweden ay codkooda siiyaan ninkaan iyo xisbiga uu matalo ayaa noqon doonta dambi weyn oo laga galay shacabka Gaza ee nooga baahan taageerada.

Soomaalida indho la’aanta u taageeri jirtay xisbiga Socialdemokraterna (S) iyo kuwa xubnaha ka ah ee ololaha doorashada u sameeya waa in ay ka fiirsadaan ficilkooda. Oo aysan u shaqayn ninkaan iyo inta ku fikirka ah.

Wadanka waxaa ka dhisan xisbiyo kale oo taageero u muujiyay shacabka Gaza isla markaana wax la taaban karo u qabtay Soomaalida Sweden. Xisbiyadaas waxaa ka mid ah xisbiga Vänsterpartiet iyo Miljöpartiet (MP) iyadoo gudoomiyaha xisbigaas Gustav Fridolin uu si aan leex leexasho lahayn u cambaareeyay Israel, eedana dusha ka saaray iyaga.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here