Waa imisa tirada Soomaalida ee qaadatay dhalashada Sweden sanadkaan?

19

Tirada dadka qaatay dhalashada Sweden sanadkaan socda ee 2014 ayaa Laanta Socdaalka soo bandhigtay. 13 000 qof ayaa ilaa hada la siiyay baasaboorka Sweden kuwaasoo ka soo jeeda 150 wadan. Dadka ugu badan ayaa ka soo jeeda wadamada Iraq, Poland, Somalia iyo Thailand.

Tirada Soomaalida ee qaadatay baasaboorka ayaa sanadkaan gaaraysa 719 halka Ciraaqiyiinta ay hogaanka u hayaan oo 2530 qof ay qaateen baasaboorka sanadkaan socda. Dadka qaatay dhalashada ayaa waxay isugu jiraan kuwo Sweden ka yumid qaxooti, arday nimo, shaqo ama guur.

Sanadkii hore ee 2013 ayaa guud ahaan waxaa baasaboorka Sweden qaadatay 30 253 qof, halka sanadkaan la filayo tiradaas in ay kor u kacdo oo gaadho 39 000 qof.

Dadka cadeyn kara aqoonsigooda ayaa baasaboorka ku qaadanaya 5 sano, halka dadka aan cadeyn karin aqoonsiga oo Soomaalida ugu badanyihiin ay waajibtahay in ay sugaan 8 sano.

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here