Qaramada midoobay oo ka walwalsan cunsuriyada Sweden

5

Qaramada midoobay ayaa soo bandhigay warbixin laga diyaariyay xaalada cunsuriyada Sweden iyagoo ka digay in xaalada ay faraha ka sii baxayso. Madaxa qaramada midoobay ee Sweden Aleksander Gabelic ayaa sheegay in uu aad uga walwalsanyahay cunsuriyada iyo naceybka sii kordhaya ee ka jira Sweden. 

“Waxaa jira in laysku dayo in cunsuriyada laga dhigo mid aan micno lahayn. Waxaa la marayaa in la ogolaado isticmaalka hadalo aan horay loo ogolaan jirin”. Ayuu yiri Aleksander Gabelic . 

Warbixinta la soo ururay ayaa waxay faahfaahin ka bixinaysaa dhowr arimood oo Sweden lagu dhaliilay kuwaasoo ay ka midyihiin.

  •  Kororka cunsuriyada oo walwal badan abuuray. Hawlaha cunsuriyiinta oo siyaaday iyo iskuulada iyo goobaha dadweynaha oo lagu buufiyo calaamadaha cunsuriyiinta. Dhacdooyinka la xiriira cunsuriyada oo siyaaday 28%.
  • Xaalada Muslimiinta oo laga dayriyay iyadoo lagu haayo muslimiinta cunsuriyad iyo faqooq  joogto ah. Masaajida Muslimiinta oo weeraro joogto ah lagu haayo iyo xisbiga SD oo siyaasadooda ku saleeyay naceybka Muslimiinta.
  • Yuhuuda iyo qowmiyada Romada oo iyagana cunsuriyad joogto ah lagu sameeyo iyo faqooq. Sweden ayaa la sheegay in ay ka midtahya sadexda wadan ee ay ka dhacaan cunsuriyada ugu badan ee ka dhanka ah Yuhuuda.

Cunsuriyada ayaa saamayn ku yeelatay siyaasada iyo sida ay u dhaqmaan siyaasiyiinta. Qaramada Midoobay ayaa qaasatan waxay walwal badan ka muujiyeen taageerada sii kordhaysa ee ay helayaan xisbiyada cunsuriinta.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here