Maxkamada Socdaalka oo markale dib u dhigtay kiis ku saabsan arimaha Soomaalida

10

Kiiskaan waa mid aan dhowr jeer wax uga qornay oo ku saabsan shuruuda wadanoolaashaha (labada sano) ee qoysaska Soomaalida kaasoo horyaala Maxkamada Sare ee Socdaalka (Migrationsöverdomstolen) ayaan hada warbixin ka helnay.

Lena Rössel oo kiiskaan si fiican ula socotay ayaa xiriir ay la samaysay maxkamada waxay uga warameen halka ay marayso xaalada kiiska. Maxkamada ayaa horay jawaab looga filaayay ka hor fasaxyada xagaaga balse taas ayaa muuqata in aysan dhacayn.

Gacanyaraha kiiska ayaa Lena u sheegay in maxkamada ay horyaalaan kiisas kale oo ka horeeya kiiskaan isla markaana aysan u muuqan in go’aan laga gaari doono ka hor xagaaga. Waxa uu intaas ku daray in ugu horayn go’aan la filayo bilaha August iyo september.

Wixii ku soo kordhaya arintaan kala soco Somaliska.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here