Dadka caruurta isku dhiiba oo loo fududeyn doono sharciga

11

Dowlada Sweden ayaa bisha soo socota waxay dhaqan galin doontaa isbedal lagu sameeyay sharciga magangalyo doonka kaasoo u fududeyn doona caruurta in ay sharciga qaataan. Isbedalka oo loogu magacdaray “danta caruurta” ayaa ah in aan shuruudo badan lagu xirin ama su’aalo aadan aan la weydiin dadka caruurta isku dhiiba.

Isbedalka ayaa lagu sheegay in sharciga la siinayo caruurta haddii ay jiraan dhibaatooyin ay la kulmi karaan ama ay soo baxaan dibaatooyinkaas ka dib markii horay loogu amray in ay wadanka ka baxaan. Dhibaatooyinka ayaa noqon kara kuwo amaan, caafimaad ama arimo  kale.

Ninka u qaabilsan laanta socdaalka arimaha sharciga Carl Bexelius ayaa idaacada Sweden u sheegay in muhiimada isbedalka ay tahay in caruurta aan lagu adkayn doonin marka ay magangalyo dalbadaan.

Arintaan ayaa la filayaa in ay aad u fududayso qaabka sharciga lagu siiyo dadka caruurta isku dhiiba ama caruurta la socota waalidkood. Dowlada ayaa sheegtay in isbedalka loo sameeyay si loo dhowro danta caruurta.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here