Dadka caruurta isku dhiiba oo laga reebi doono sharciga Dublin

20

Ka dib go’aan ka soo baxay maxkamada cadaalada ee Yurub sanadkii hore ayaa hada waxaa la soo bandhigay mooshin la hor geyn doono baarlamaanka Yurub kaasoo lagu dalbanayo in wax laga badalo heshiiska Dublin, ee go’aamiya wadanka ay magangalyo doonka sharciga ka raadsanayaan.

-Tani waa magangalyo weyn oo la siinayo caruurta aan la wehlin. Tusaale, haddii qof caruur ah uu soo maro wadanka Talyaaniga ka dibna uu magangalyo ka dalbado Sweden qofkaas laguma celin doono talyaaniga. Muhiimada waxaa la siinayaa waa danaha caruurta. Ayay tiri Cecilia Malmström, oo ah wakiilka Sweden u fadhiya gudiga EU-da ee arimaha socdaalka.

Sanadkii hore ayaa waxaa guud ahaan qaarada Yurub magangalyo ka dalbaday 12 700 qof oo caruur ah, kuwaasoo 30% ay iska dhiibeen wadanka Sweden. Haddii sharciga Dublin wax laga badalo ayaa tiradaas aad kor igu kici kartaa.

Maxkamada cadaalada Yurub ayaa sanadkii hore go’aan ku gaadhay in caruurta laga reebo sharciga Dublin. Hada ayaa la filayaa in go’aankaas laga dhigo mid sharci ah haddii baarlamaanka Yurub iyo wadamada xubnaha ka ah ay ansixiyaan. Cecilia Malmström ayaa aaminsan in taasi ay tahay mid fudud maadaama go’aan maxkamadeed uu meesha yaalo, iyadoo filaysa in ka hor dhamaadka sanadkaan la ansixiyo badalaada sharciga Dublin.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here