Ragg u dhashay qowmiyada Romada oo loo diiday in laga iibiyo kaffe

6

Shaqaalaha maqaaxida Max ayaa u diiday afar nin oo u dhashay qowmiyada Romada in ay iibsadaan Kaffe. Dhacdadaan oo ka dhacday maqaaxida Max ee ku taala xaafada Kista ee Stockholm ayaa noqotay mid lala yaabay.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in markii ay afarta nin ay dalbadeen kaffe in mid ka mid ah shaqaalaha ay soo carartay oo tiri “Romada wax kama iibino” sida uu qoray wargeyska Metro. Ka dib ayaa raggii iska tageen iyaga oo wajigooda ay ka muuqato niyad jab. Maamulka Max ayaa xaqiijiyay dhacdada iyagoo sheegay in ay shaqaalaha kala hadli doonaan arintaan.

Ma ahan markii ugu horeysay ee dad u dhashay qowmiyada Romada lagu cunsuriyeeyo jinsiyadooda. Bishii hore ayay ahayd markii haweenay marti u ah dowlada Sweden loo diiday in ay la fariisato dadka kale hoteelka Sheraton ee ku yaala Stockholm.

Dhacdooyinka nuucaan ah ayaa mudan in laga xumaado maadaama ay ku dhici karto cidkasta. Qaasatan Soomaalida ayaa qarka u saaran in lagu sameeyo ficilada nuucaan ah iyadoo la dhihi karo maanta Sweden waxaan nahay dadka ku xiga Romada dhinaca magac xumada iyo cunsuriyada.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here