Qiimaha tahriibka Sweden oo cirka isku shareeray [Video]

5

Qaxootiga Syria ee ku soo qulqulaya Sweden ayaa kor u qaaday lacagta ay qaataan muqalasiinta sida uu soo bandhigay telefishinka Sweden (SVT). Qiimaha tahriibka Sweden ayaa siyaaday 50% sanadihii la soo dhaafay iyadoo hada laga hadlayo lacag kor u dhaafaysa 100.000 (taasoo u dhiganta 15.000$).

Warbixinta ayaa lagu soo bandhigay sida muqalasiinta ku nool magaalada Istanbul ay dadka u soo galiyaan Yurub, iyaga oo kuwa lacagta haysta loo sameeyo baasaboor ay si toos ah ugu imaan karaan Stockholm halka kuwa kale ay raacaan baabuur oo ku galaan wadanka Bulgaria ama doon ay ku galaan wadanka Greece , iyadoo ka dib ay doon ku soo galaan Talyaaniga. Warbixinta ayaa lagu sheegay sida tacadiyada loogu geysto dadka qaxootiga ah wadamada Bulgaria iyo Greece kuwaasoo lagu garaaco ka dibna dib loogu celiyo Turkey.

Inkastoo Soomaalidu ay quburo ku noqdeen arimaha tahriibka iyo sida Yurub loo soo galo, ayay arimahaan ku cusubyihiin dadka u dhashay wadanka Syria taasoo keentay qaarkood in lacago badan laga qiyaano. ilaa iyo markii uu bilowday dagaalka Syria ayaa Sweden waxaa soo galay 30.000 qof oo sharciga la siiyay.

Qaxootiga Syria ayaa si qaas ah u doonaya in ay Sweden yimaadaan maadaama wadankaan uu yahay wadanka keliya ee bixiya deganaansho rasmi ah. Wadamada kale ee Yurub ayaa siiya deganaansho ku meel gaar ah.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here