Magaalooyin badan oo cabasho ka keenay qaabilaada qaxootiga

7

Dhowr magaalo oo ka mid ah kamuunada Sweden ayaa cabasho ka muujiyay qaabilaada qaxootiga. Dowlada Sweden ayaa isbedal ku samaysay sharciga taasoo Laanta Socdaalka (Migrationsverket) awood u siinaysa in ay qaxootiga dajiyaan kamuunada iyaga oo aan cidna kala tashan. Horay ayay qasab ahayd in kamuunka iyo Migrationsverket ay heshiis galaan.

Kamuunka Flen ayaa warqad ay u qoreen Migrationsverket waxay ku sheegeen in aysan doonayn in ay qaabilaan qaxooti dambe. Waxaa sidoo kale cabasho midaas la mid ah soo gudbiyay kamuunka Filipstad oo sheegay in ay faraha ka bateen qaxootiga soo galaya magaaladooda.

Siyaasiyiinta maamula kamuunada ay  ku soo bateen qaxootiga ayaa cabsi weyn ka qaba in taageerada xisbiga cunsuriga ah ee SD ay siyaado, iyadoo magaalada Filipstad ay SD heleen 16,9% doorashadii baarlamaanka Yurub halka Flen ay ka heleen 13,4%. Taas marka loo barbar dhigo Stockholm ayay SD heleen 5,3% oo keliya.

Qulqulka qaxootiga ka imaanaya Syria ayaa qaasatan culeys weyn saaray kamuunada qaarkood oo ku doodaya in aysan arintu ahayn in dadka guri la dajiyo oo keliya balse sidoo kale loo baahanyahay iskuulada, xanaanada, caafimaadka iyo adeegyo kale oo kamuunada yaryar aysan awoodin.

Dhinaca kale ayay kamuunada ku yaala baadiyaha Sweden u baahanyihiin qaxootiga maadaama Swedishka da’da yar ay ka guurayaan oo ay u baahanyihiin cid daryeesha waayeelkooda.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here