Maanta ayaa u dambaysa celinta warqadaha canshuuraha

4

Maanta oo taariikhdu tahay 5 May ayaa u dambaysa celinta warqadaha canshuuraha ee ay kuu soo dirtay hay’ada canshuuraha (Skatteverket). Qofkii aan celin warqadaha canshuuraha ayaa lagu soo rogayaa ganaax lacageed oo garaya 1000kr.

Dadka ay waajibka ku tahay in ay celiyaan warqadaha canshuuraha ayaa ah dhamaan dadka ku nool Sweden ee ay soo galeen dhaqaale sanadkii tagay 2013. Dhaqaalaha ayaa noqon kara mid shaqo, taageero ay ku siisay hay’ada caymiska (Försäkringskassan) ama haddii aad leedahay shirkad. Dadka iska leh shirkadaha Aktiebolag (AB) iyaga wali waqti ayay haystaan.

Qaabka loo celinayo warqadaha canshuuraha ayaa ah oo keliya in aad saxiido warqada ka dibna aad dib ugu dirto Skatteverket ama aad geyso xafiiska kuugu dhow. Haddii aad leedahay aqoonsiga internetka ee (e-legitimation) waxaad warqada ku saxiixi kartaa online adiga oo booqanaya http://www.skatteverket.se.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here