Dowlada Sweden oo laga yaabo in ay sharciyayso in dumarku caruur qaadan ragg la’aan

2

Maalintii jimcaha ayaa dowlada Sweden loo gudbiyay warbixin ay soo diyaariyeen gudi ay dowladu horay ugu xilsaartay in ay soo baaraan sidii dumarka aan ragga la’hayn loogu suurto galin lahaa in ay uur yeeshaan oo caruur dhalaan.

Gudiga loo saaray arinta ayaa ku taliyay in dowladu ay sharci ka dhigto in dumarka aan ragga lahayn (Single) fursad loo siiyo in lagu sameeyo daaweynta loo yaqaan In vitro fertilisation (IVF) taasoo ah mid caruurta lagu beerayo uurka haweenka iyaga oo aan wax galmo ah samayn. Daaweynta nuucaan ah ayaa hada loo ogolyahay haweenka la qabo iyo kuwa xiriirka wada noolaashaha ku jira (Sambo).

Haweenka single ah ee doonaya hada in ay caruur qaadaan ayaa waxay ku qasbanyihiin in ay u safraan wadamada kale, sida Denmark oo arintaan sharci ka tahay.

Gudiga talada soo jeediyay ayaa waxay ku baaqeen in dhaqaatiirta samaynaya daaweynta loo daayo in ay qiimeeyaan in haweeneydu ay tahay mid ku haboon in ay kaligeed caruur qaado oo ka dibna ay koriso ilmaha.

Daaweynta  in vitro fertilisation (IVF) ayaa ah marka biyaha ragga lagu beero haweenayda iyadoo aysan dhicin wax galmo ah. Ka dibna sidaas uu ku samayso uurka.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here