Xisbiyada Cunsuriyiinta oo si weyn uga faa’iday doorashadii Yurub

6

Xisbiyada cunsuriyiinta ah ee ka dhisan wadamada Midowga Yurub (EU) ayaa si weyn guul uga gaaray doorashadii baarlamaanka Yurub ee shalay ka dhacday 28-da wadan ee ka tirsan EU-da. Wadamada qaarkood ayaa xisbiyada cunsuriyiinta ah ay noqdeen kuwa helay cododka ugu badan.

Wadankaan Sweden ayaa xisbiga Sverigedemokraterna (SD) ee siyaasadooda ay ku dhisantahay cunsuriyada ay heleen cododka 9,7% kuwaasoo 2 kurso ka helaya baarlamaanka Yurub. Wadanka France ayaa xisbiga  Front National waxay heleen 25,5% kuwaasoo noqday xisbiga ugu weyn ee France ku matalaya baarlamaanka Yurub. 22 kursi ayay baarlamaanka ku yeelan doonaan. Xisbiga UKIP ee ka dhisan UK ayaa isna noqday kan ugu weyn wadankaasi iyagoo helay 27,5% oo u dhiganta 23 kursi. 

Xisbiga ka dhisan wadanka Denmark ee lagu magacaabo Dansk Folkeparti ayaa isna helay 26,6% halka xisbiga kale ee asna cunsuriga ah ee ka dhisan wadanka Austria ee lagu magacaabo FPÖ ay heleen 20,5%. Xitaa wadanka Germany oo ah aabaha Midowga Yurub ayaa xisbiga NPD ee ku dhisan siyaasada Naziga uu helay 1 kursi. 

Xisbiyada cunsuriyiinta ah ayaa sidoo kale horumar ka sameeyay doorashada wadamada Greece, Poland, Finland iyo Hungary. Iyagoo guud ahaan baarlamaanka EU-da ku yeelan doona 77 kursi.

Balse waxaa jira wadamo aysan guul fiican ka gaarin cunsuriyiintu oo qaarkood ay ka bexeen baarlamaanka Yurub qaarna ay kuraas lumiyeen. Xisbiyada qasaaray ayaa waxaa ugu caansan xisbiga Freedom Party ee uu hogaamiyo ninka Islaam naceybka ku caanbaxay ee Geert Wilders kuwaasoo lumiyay 1 kursi. 

Waxaa sidoo kale baarlamaanka ka baxay xisbiyo yaryar oo ka dhisan Bulgaria, Romania, Greece, Slovenia iyo UK.

Xisbiga SD ee ka dhisan Sweden ayaa helay ka badan cododkii la filayay iyadoo taasi ay argagax ku noqotay Swedish badan iyo siyaasiyiinta. SD ayaa labo kursi ku yeelan doona baarlamaanka, iyadoo la filayo in ay la midoobi doonaan xisbiyada kale ee ay isku fikrada yihiin ee ku jira baarlamaanka. Ujeedka cunsuriyiinta ayaa ah in ay EU-da gudaha ka soo dumiyaan oo sharci kasta ay ka soo horjeestaan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here