Gabar Soomaali ah oo lagu garaacay baska gudahiisa

16

Gabar Soomaali ah oo ku nool magaalada Gävle ayaa maalintii isniinta waxaa gacanta u qaaday oday Swedish ah oo da’diisa lagu sheegay 60 jir. Ninkaan ayaa gabadha sidoo kale u geystay aflagaado la xiriirta jinsiyadeeda.

Dhacdada ayaa ka dhacday markii ay gabadha oo 23 jir ah raacday bas u socday xaafada Sätra iyadoo telefoonka ku halaysay. Ninkaan ayaa la fariistay gabadha isagoo isla markii uu arkay in ay telefoon ku hadlayso si cod dheer ah dadka dhan ku yiri “Wadankooda kuma haystaan boorsooyin iyo moobeelo laakiin halkaan waa kuwo la wareegaya”.

Gabadha ayaa markaas ka dib bilowday in ay telefoonka si hoose ugu hadasho balse ninka ayaa si lama filaan ah gacanta ku dhuftay iyadoo uu telefoonka ka dhacay.

“Si lama filaan ah ayay u dhacday. Waligay qof gacan iima qaadin “ ayay gabadhaan oo magaceeda ku sheegtay Somaya u sheegtay wargeyska Arbetarbladet.

Markaas ka dib ayaa mid ka mid ah rakaabka baska uu la hadlay ninka balse ma uusan joojin ee waxa uu ku jawaabay in uu gabadha si xoog leh u garaacay. Isagoo ku qaylinaya “Waxaan barayaa sida wadankaan looga dhaqmo”. Markaas ka dib ayaa mid ka mid ah rakaabka uu ninkii qabtay oo joojiyay in uu gacan dambe u qaado gabadha.

Ka dib markii uu baska gaaray xaafada Sätra Centrum ayaa Somaya ka degtay baska iyadoo booliska wacday. Gabadha ayaa markaas ka dib Hospitaalka loo qaaday. Booliska ayaa hada ku raad jooga sidii loo soo qaban lahaa ninka, iyadoo dambiga loo baari doono mid naceyb ku salaysan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here