Kooxda kubada Bandy ee Somalia oo ka qeyb galaya ciyaaraha aduunka 2015

5

Dhalinyaradii ka qeyb gashay ciyaaraha aduunka ee Bandy 2014 ee lagu qabtay wadanka Ruushka ayaa hada u tababaranaya sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen ciyaaraha aduunka ee sanadka soo socda lagu qaban doono magaalada Chabarovsk ee isla wadanka Ruushka.

Dhalinyarada oo wareysi dheer siiyay wargeyska Dagens Nyheter ayaa ka hadlay sida ka dib ciyaarihii Ruushka ay noloshooda isku badashay. Waxay ka hadleen in ciyaaraha Bandy ay ka barteen muhiimada dadaalka iyo in qofku uu yeesho gool. Hada ayaa goolkooda yahay in ay ka qeyb galaan ciyaaraha la qaban doono 2015. Iyagoo doonaya in ay waqtigaas noqdaan kuwo sare u qaaday xirfadooda isla markaana ay badiyaan qaar ka mid ah ciyaaraha.

Waxay ka hadleen in kooxahii ay kula tartameen ruushka sanadkaan aysan ahayn kuwo wax badan ka fiican balse iyaga ay la hadhay maadaama aysan barafka ku ordi karin. Hada ayay asbuucii dhowr jeer tababar sameeyaan.

Dhalinyarada ayaa ka warbixiyay sidii ay cabsida uga qabeen wadanka Ruushka iyo cunsuriyiinta balse waxay sheegeen in ay la yaab ku noqotay soo dhaweynta ay kala kulmeen ruushka iyo in taageerada kooxda Somalia ay ahayd mida ugu balaaran.

Barnaamijka ay ku dhaqaaqeen dhalinyaradaan ayaan ahayn oo keliya mid ciyaar ah balse waxa uu wax ka badalay aragtida dadka ku nool Borlänge ay ka haystaan Soomaalida, iyagoo ka waramay in hada magaalada dhan ay siyaaday farxada iyo isku soo dhawaashaha dadka.

Dhinaca kale, Filimkii ku saabsanaa mashruucaan ee ay samaynayeen labada nin ee caanka ah Filip iyo Fredrik ee qorshaha ahaa in uu soo baxo bisha soo socota ayaa dib loo dhigay ilaa sanadka dambe maadaama ay doonayaan in ay ku daraan qeyb ka hadlaysa mid ka mid ah dhalinyarada oo u safraya wadanka Uganda si uu ula kulmo hooyadiis oo loo diiday in lala mideeyo.

Waxaan u rajaynayaa GUUL sanadka 2015. Insha Allah

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here