Sweden oo qaxootiga ugu badan ka soo qaaday xeryaha

4

Laanta Socdaalka Sweden (Migrationsverket) ayaa sanadkii tagay ee 2013 waxay xeryaha qaxootiga ka soo qaaday dad gaaraya 1900 qof taasoo Sweden ka dhigaysa wadanka ugu gacanta furan qaarada Yurub.

Wadamada Finland iyo UK ayaa iyagu soo qaaday 750 qof oo keliya. Sweden ayaa ilaa sanadkii 2007 waxay soo qaadaysay 1900 qof sanad kasta, kuwaasoo ah dadka ku jira xeryaha qaxootiga ee ay soo xushay hay’ada UNHCR. Dadkaas ayaa qaarkood yihiin kuwo xanuunsan ama kuwo mudo badan ku jiray xeryaha.

“Sweden si wanaagsan ayay u qabataa arintaan. Aad ayaan uga mahadnaqaynaa in Sweden ay qaabisho dadkaan oo wadamo kale ay diideen” ayay tiri Heidi Boener oo ka tirsan UNHCR. 

Sanadihii hore ayaa Soomaalidu qeyb badan ka ahaayeen dadka laga soo qaado xeryaha balse sanadkaan ayaa Sweden soo qaadaysaa umado kale.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here