MUHIIM: Mudaharaad ka dhan ah Kenya oo ka dhacaya Stockholm

7

Maalinta barito ah (jimcaha) ee taariikhdu tahay 11 bisha April 2014 ayaa waxaa magaalada Stockholm ka dhici doona mudaharaad looga soo horjeedo tacadiyada dowlada Kenya ay ku hayso dadka Soomaalida ah ee ku dhaqan magaalada Nairobi.

Mudaharaadka ayaa ka dhici doona adreeska BIRGER JARLSGATAN 37 oo ah goobta ay ku taalo safaarada Kenya. saacadu markay tahay 14:00 isagoo socon doonaa ilaa 17:00. Hadaba dhamaan dadka ku dhaqan Stockholm iyo nawaaxigeeda waxaa laga codsanayaa in ay ka soo qeyb galaan oo shucuurtooda si nabad ah u muujiyaan.

Wixii faahfaahin ah ee dheeri ah waxaad kala xiriiri kartaa telefoonada 073-5628009 or 073-714075.

;

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here