Maxkamada Malmö oo ka hiilisay Muslimiinta

7

Maxkamad ku taala magaalada Malmö ayaa xukun qafiif ah ku riday nin Swedish ah oo horay u garaacay hooyo iyo gabadheed Muslim ah. Maxkamada ayaa ku xukuntay ninka in uu sameeyo 75 saacadood oo hawlaha bulshada ah isla markaana uu bixiyo 17,000kr oo magdhow ah.

Go’aanka maxkamada ayaa noqday mid lala yaabay maadaama dambiga uu galay ninkaan uu yahay mid weyn oo ku dhisnaa naceyb diimeed (hatbrott). Ninkaan ayaa hooyada Muslimada ah iyo gabadheeda si xun u garaacay iyaga oo ka soo baxay hospital ku yaalada Malmö. Ninkaan ayaa ujeedada uu u weeraray dumarka Muslimiinta ahayd naceyb uu u qabo Muslimiinta iyo Islaamka, isagoo markii uu garaacayay gabdhaha ku qaylinayay erayo ay ka midyihiin “wadankeena ayaad burburinaysaan” iyo erayo kale oo lidi ku ah soo galootiga.

Si kastaba ha ahaatee, qareenka Maxkamada Malmö ayaa ku dooday in ay adagtahay in la cadeeyo in ninkaan uu galay dambi ku dhisan naceyb. Arintaas ayaa la yaab ku noqotay dadka oo dhan, iyadoo ay iska cadahay in ninkaan uu gabdhaha u weeraray diintooda, isagoo xitaa uu marqaati ku furay askari boolis ah oo goobta yimid. Ninkaan ayaa xitaa diiday in uu la hadlo askariga maadaama uu ahaa nin soo galooti ah. Sidoo kale ninkaan ayaa ah xubin ka mid ah urur lagu magacaabo Tryckfrihetssällskapet oo ah mid lidi ku ah Muslimiinta iyo Islaamka.

Go’aanka maxkamada ayaa ah mid lagu qoslo oo ay iska cadahay in qareenka maxkamada uusan daacad ka ahayn kiiskaan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here