Magaalada Fagersta oo horumar ka gaadhay shaqo abuurista Soomaalida

5

Magaalada Fagersta ee ka tirsan gobolka Västmanland ayaa lagu amaanay in ay horumar ka samaysay sidii ay Soomaalida shaqo ugu abuuri lahayd. Fagersta ayaa soo bandhigtay in 55% Soomaalidii timid afar sano ka hor ay hada shaqo haystaan ama waxbarasho sare u sii gudbeen.

Maamulka Fagersta ayaa sheegay in horumarka ay sameeyeen ay ka dambayso waxbarasho iyo wada shaqayn ay la sameeyeen xafiiska shaqada (Arbetsförmedlingen) iyo shirkadaha. Dadka ka qeyb galay mashruuca ayaa qaatay waxbarashooyin kala duwan sida Dhirta iyo darawalnimada baska. Qaar badan oo ka mid ah dadkii waxbarashada dhamaystay ayaa shaqooyin ka helay daafaha Sweden.

Magaalada Fagersta oo anika xitaa aan mudo ku noolaa ayaa la dhihi karaa in ay tahay goob ka duwan magaalooyinka kale ee Sweden. Maamulka degmada ayaa ah kuwo ay ka go’antahay sidii ay dadka soo galootiga ah ee ku nool magaaladooda u caawin lahaayeen isla markaana ku faraxsan in dad cusub ay soo degaan magaalada. Fagersta ayaa ka hor sanadkii 2010 ahayd magaalo ay tirada shacabkeeda hoos u dhacayeen balse markii Soomaalidu soo degtay ay kor u kacday tirada shacabka ku nool magaalada. Arintaas ayaa qaasatan muhiim u ah maamulka degmada.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here