Dabeecadaha Soomaalida oo taageero u noqday cunsuriyiinta

18

Shalay waxaa bogga Facebook ku faafay warqad ay qortay haweeney Swedish ah oo cabasho ka qortay dhaqamada Soomaalida. Inkastoo haweeneydaan ay u muuqatay mid si gooni ah u neceb Soomaalida ayaa hadana cabashooyinkeeda waxaa ka mid ahaa kuwo si joogto ah ay u sameeyaan Soomaalida.

Warqadeeda ayay ku furtay sidaan “waxaan soo raacay baska Gislaved oo buuxay iyadoo ay  gadaalkeyga fadhiyeen koox Soomaali ah kuuwaasoo cod sare ku hadlayay. Gadaal ayaan u fiiriyay oo waxaan isdhahay ma adiga ayaa qaldan maadaama aad la yaabantahay dhaqanka dadkaan , amaa laguugu yeeraa cunsuri haddi aad ka codsato in ay codka hoos u dhigaan mise waa xaalada Sweden ee maanta” ayay ku bilowday warqadeeda, haweeneydaan oo magaceeda yahay Carina Jakobsson.

Hadalkeeda iyada oo sii wadata ayay tiri “Markii aan baska ka degay waxaan dhaafay kuraastii beerta lagu nasto oo Soomaali qabsatay, oo dhamaantood waxay wataan baabuurka caruurta lagu riixo. Ka dib waxaan galay safka mashinka lacagta lagala baxo (bankomat) kaasoo uu iga horeeyay nin Soomaali ah oo si fiican u labisan. Markii uu la baxay lacagta ayuu dhulka ku tuuray warqadii kafiitada”. 

Haweeneydaan ayaa sawir ka qaaday warqadii uu tuuray ninka Soomaaliga ah taasoo muujinaysa in ninkaan uu lacag ka qaato laanta socdaalka (Migrationsverket). Intaa ka dib ayay hadal dheer oo lagu yaqaano cabashooyinka cunsuriyiinta ee ay ka midyihiin sida soo galootiga loo siiyo lacago badan oo deeq ah ay hadalkeeda ku dartay. Ugu dambeyntii ayay qortay in aysan cadaalad ahayn in soo galootiga sidaan loola dhaqmo iyadoo la hilmaamayo dadka dhaladka Swedishka ah. Iyadoo ku soo gababaysay in hada laga bilaabo ay u codeyn doonto xisbiga cunsuriga ah ee SD.

Ku darso fikradaada…

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here